Wednesday, August 19, 2026

Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Dagaal Mar kale ka Qarxay Deegano Saylac ka Tirsan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegay inay ka dhasheen dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Il-Carmo ilaa Xuseen, oo ka tirsan degmada Saylac ee gobolka Salal.

Sida ay sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan goobaha uu dagaalku ka socday, iska horimaadku wuxuu u dhexeeyay dadka deegaanka wada dega ee Gadabuursi iyo Ciise inkastoo la sheegay in kooxo gurmad ah Ethiopia uga yimaadeen beesha Ciise.

Wararku waxay sheegayaan in xaaladdu ay hadda degen tahay oo la kala hadhay gallay. Waxa socda Abaabul ciidan iyo hub urursi taasoo abuurtay cabsi laga qabo in dagaalku mar kale qarxo.

Lama xaqiijin karo ilaa hadda tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, ka dhashay, iyadoo xogaha ka imanaya goobta ay weli jaahwareer ka taagan tahay.