Faraansiiska ayaa ku dhawaaqday inuu maalmaha soo socda dalka ka eryi doono laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa arrintan ku sheegay qoraal uu Talaadadii ku daabacay barta X.
Tallaabadan ayaa timid maalin kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ay sheegtay in laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Faransiiska, kuwaas oo ku lug lahaa khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhacay Tehran bishii Luulyo, aan loo oggolaan doonin inay dib ugu laabtaan Iiraan.
Wasaaradda Sirdoonka ee Iiraan ayaa dowladda Faransiiska ku eedaysay “faragelin ku saabsan arrimaha gudaha Iiraan iyo isku day ay ku doonayso inay saameyn ku yeelato dalka.”
19-kii Luulyo, wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ciidamada ammaanka Iiraan ku eedeeyay inay ku xadgudbeen xasaanadda diblomaasiyadeed ee labada shaqaale, isagoo sheegay in si ula kac ah loo xiray loona cabsi geliyay.
Xiisadda ayaa sii kordhisay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Paris iyo Tehran, iyadoo labada dhinac ay hadda qaadeen tallaabooyin is-daba-joog ah oo ka dhan ah diblomaasiyiinta midba midka kale
