Wednesday, August 19, 2026

Maraakiib Ganacsi Oo Laga Leeyahay dalka Shiinaha Oo ku Xaniban Marinka Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Laba markab oo shidaal qaada oo laga leeyahay Shiinaha ayaa la sheegay inay ka gudbeen marin-biyoodka Hormuz, balse markii dambe waxay joojiyeen safarkoodii, waxaana ay ku xannibmeen aaggaas.

Mid ka mid ah maraakiibta, Sea V, ayaa Talaadadii saliid cayriin ka soo qaaday Ciraaq, ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhanka marin-biyoodka Hormuz.

Balse markii dambe ayuu dib u soo laabtay, waxaana uu hadda ku xanniban yahay marin-biyoodka.

Markabku wuxuu sitaa calanka Hong Kong, xogta la socodka maraakiibtuna waxay muujinaysaa in shirkad laga leeyahay Shiinaha ay leedahay.

Markabka labaad, Hestia, oo isna sita calanka Hong Kong, ayaa horraantii toddobaadkan yimid Gacanka Faaris, isagoo galay marin-biyoodka Hormuz, balse markii dambe jihadiisa u beddelay dhanka Gacanka Cumaan.

Waxaa la rumeysan yahay in dhammaan shaqaalaha markabku ay ahaayeen muwaadiniin Shiinays ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shirkadaha waaweyn ee maraakiibta ee Shiinaha ay joojiyeen in maraakiibta shidaalka ay maraan marin-biyoodka Hormuz iyo Bab al-Mandab, sababo la xiriira khatarta sii kordhaysa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada.