Saturday, August 22, 2026

Somaliland oo Qubrus iyo Giriigga ugu Baaqday inay Aqoonsadaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Somaliland ayaa ugu baaqday Qubrus iyo Giriigga inay dib u eegaan mowqifkooda ku aaddan aqoonsiga Somaliland, kaddib wada xidhiidh uu Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, la sameeyay Jamhuuriyadda Ismaamulka Waqooyiga Qubrus ee Turkigu taageero, oo sheegata in ay ka goday Jamhuuriyada Qubrus.

Somaliland ayaa ka faa’ideysatay qaladkii diblumaasiyadeed ee ay gashay Dowladda Federaalka ah, iyada oo dalalka Qubrus & Giriigga u sheegtey in ay barbar taagan tahay ayna uga hiilinayso Soomaaliya & Turkiga oo ay iyana ‘aqoonsadaan SL’ sida ay qortay jariiradda QubrusMail.

DFS ayaa ku dhacday qalad-diblumaassiyadeed ka dib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS uu Turkiga u tiriyey Woqooyiga Qubrus oo QM & Yurub oo idil u taqaan qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Qubrus, in kasta oo Wasaaradda Arrimaha-dibedda ay ka daba tagtay oo saxday qaladka, guddoomiyuhuna ma saxay qoraalladiisi, haddana tani waxa ay dhalisey su’aalo ku aadan; sida Soomaaliya oo la tacaalaysa madaxbanaanideeda ay u taaban karto madaxbanaanida cid kale.


Woqooyiga Qubrus waxa aqoonsan keliya Turkiga, sida SL ay keliya u aqoonsatay Israa||.