Ciidamada PFS Oo ka Hadlay Dagaalkii ka Dhacay Deegaanka Laag Ee Boosaaso

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada PFS oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Laag-Boosaaso ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyey in ay ‘duqaysay’ una adeegsatay diyaarado-iswada, sida uu sarkaal-sare oo PSF ah u sheegey BBC.

PSF ayaa sida oo kale si rasmi ah u sheegtey in ay ka tirsan yihiin ‘Ciidanka Xoogga dalka’ ayna hoostagaan Dowladda Federaalka ah, iyaga oo intaasi uu sarkaalka hadlay ku daray; in difaaca dalka ay xaq u leedahay Dowladda-dhexe, iyada oo Dowlad-goboleedyada keliya xaq u leeyihiin Booliis waa sida uu hadalka u dhigey.

Taliska ciidanka Puntland ayaa gelinkii hore ee maanta sheegey in ay soo afjareen ciidanka PSF oo ay ku eedeeyeen khalkhalgelin amni, iyada oo dowladdu soo bandhigtey gaadiid-dagaal & maxaabiis.