Wasiirka Ganacsiga oo Albaabada Iskugu Dhuftay Shirkadda Koontaynarada ee Ina Geele Arab ee Berbera , Xabsigana Waxa La Dhigay Shaqaalaha Shirkada .
Wasiirka Ganacsiga ayaa la sheegay inuu albaabada isugu dhuftay shirkadda oo ka shaqaysa adeegyada koontaynaradda ee dakada berbera.
Ilo-xog-ogaal Ah Ayaa Xaqiijiyay Wasiirka Ganacsigu in Ganacsade Ina Geele Arab ku qasbaayo qoondo uu jeebkiisa kala soo baxay isagoo raba inuu ku minjaxaabiyo ganacsiga xorta ah.
Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in Wasiirka Ganacsigu uu damacsan yahay inuu la wareego wakiilnimada shirkada Koontaynarada ee ay Wakiilka Ka Tahay Shirkada Koontaynarada Ina Geele Arab Taasina Ay Sababtay In Wasiirku damaciisa gaarka ku fuliyo shirkada koontiinarada ee Ina Geele ee Somaliland, taas oo hadda gabi ahaan ba isaga u xidhan.
Ganacsade Axmed Cismaan Geele oo ka mid ah ganacsatada maalgashiga badan ku sameeyay Somaliland Ayaa Ganacsigiisa Dhibaato Badan la Mariyay.
Wasiirka ganacsiga Ayaa Lagu Dhaliilayaa in uu la yimid siyaasad qalafsan oo aan jiho ay u socoto la garanayn taas oo meesha ka saaraysa ganacsigii xorta ahaa.
