Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo in uu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee Itoobiya oo leh awood fulineed oo buuxda, isla markaana loo oggolaado inuu xilka qabto laba xilli oo min lix sano ah.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu eego Dastuurka Itoobiya, iyadoo la soo jeedinayo in wax laga beddelo nidaamka hadda jira ee Baarlamaanka siinaya awoodda ugu weyn ee magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.
Qorshahan ayaa sidoo kale la xiriira dadaallo lagu xakameynayo doodaha iyo mucaaradka ka dhalan kara dib-u-eegista Dastuurka. Wararka ayaa sheegaya in la soo jeediyay in wax laga beddelo qaar ka mid ah awoodaha Ismaamullada, gaar ahaan kuwa la xiriira xaqa ay u leeyihiin inay ka go’aan Itoobiya.
Dooddan ayaa dib u soo cusboonaatay kadib hadal uu Abiy Ahmed bishii July 2026 ka sheegay gudaha Xisbiga Barwaaqo, kaas oo uu ku tilmaamay muhiimadda ay leedahay in muddada xilhaynta hoggaamiyaha dalka lagu koobo laba xilli oo keliya.
Warar kale ayaa sheegaya in 13-kii Agoosto ay qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha Wadahadalka Qaranka Itoobiya soo jeediyeen in dalka laga beddelo nidaamka Baarlamaaniga ah ee hadda jira, loona wareego nidaam Madaxweyne, kaas oo madaxweynaha siinaya awood fulineed oo ballaaran.
Haddii qorshahan la hirgeliyo, wuxuu noqon karaa isbeddel siyaasadeed oo weyn oo wax ka beddela qaabka awoodda loogu qaybsado dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo xilka Madaxweynaha uu noqonayo mid leh awood siyaasadeed iyo fulineed oo ka weyn tan uu hadda leeyahay.
