Netanyahu Oo Sheegay In uusan Dhamaan Dagaalka Iran Ilaa Laga Bur-burinayo Barnaamijkeeda Uranium-ka Iyo Xarumaha Gantaalada

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in wali shaqo harsan tahay gudaha Iran, isaga oo qiray in Tehran ay weli haysato awoodihii muhiimka ahaa ee ay lahayd bilowgii dagaalka.

Wareysi uu siiyay CBS barnaamijka 60 ka daqiiqo Netanyahu wuxuu sheegay in dagaalka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran uu guulo waaweyn gaaray balse aanu weli dhammaan ilaa laga burburinayo barnaamijkeedka gantaalaha iyo uranium-ka.

Wuxuu xusay in Iran aysan ka tanaasulin uranium-keeda islamarkaana, aysan burburin xarumaheeda nukliyeerka, aysan joojin taageerada kooxaha xulafada la ah iyo barnaamijkeeda gantaallada ballistic-ka.

Netanyahu ayaa sheegay in uranium-ka si fudud looga saari karo Iran, isaga oo tilmaamay in arrintaasi ay tahay hawl aad muhiim u ah, balse uusan sheegin jadwal rasmi ah oo lagu fulinayo