Saturday, August 22, 2026

Budhcad-badeedd Somali ah Ee Gacanta ku Haysa Markabka Oo si Nabad ah Uga Dageen.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wararka laga helayo dhinaca badda ayaa sheegaya in Turkigu uu kooxda budhcad-badeedda ah u oggolaaday inay si nabad ah ugu Wareegaan Markabkii ay horey u qabsadeen ee MV Sward.

Markabka MV Sward, oo sida qalab ay leedahay dowladda Turkiga, ayaa la sheegay in ay go’doomiyeen laba markab oo dagaal, kuwaas oo ka hor istaagay inuu sameeyo wax dhaqdhaqaaq ah ama loo geeyo adeegyo iyo sahay.

Dhanka kale, markabka MV Lutuf waxaa la sheegay inay saaran yihiin laba qof oo meyd ah, kuwaas oo wararku tilmaamayaan inay ahaayeen ilaalo hubaysan oo isku dayay inay iska caabiyaan weerarkii ay budhcad-badeeddu ku qabsatay markabka.

Wararkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay xeebaha Soomaaliya ka soo cusboonaadeen falalka budhcad-badeednimada, iyadoo ciidamada badda ee dalal kala duwan ay xoojinayaan hawlgallada lagu sugayo amniga maraakiibta isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed