Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha, warshadaha maraakiibta iyo hantida dijitaalka ah ay noqon karaan bartilmaameedyada xiga ee dadaallada Mareykanka ku doonayo inuu Iran dhaqaale ahaan go’doomiyo.
“Farriintaydu qof walba waa inuu ka fogaado. Dhammaanteen waxaan rabnaa in colaaddani ay soo dhammaato, waxaana sida ugu dhaqsaha badan lagu soo afjari karaa iyadoo aan cidina wax taageero ah siin xukuumaddan,” ayuu Scott Besant u sheegay Fox News.
“Waxaan wadnaa wadahadallo aad u culus oo ballaaran oo aan la yeelanayno dhammaan dadka iyo dhinacyada taageera xukuumaddan.”
Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaa shalay sheegay in hay’ad kasta oo ganacsi ama xiriir dhaqaale la samaysa Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ay wajihi doonto cunaqabateyn.
“Waxay noqon karaan hay’ado kala duwan. Waxaa ka mid noqon kara shirkadaha diyaaradaha kireeya oo aan baaritaanno ku sameyn doonno. Waxay sidoo kale noqon karaan cid kasta oo ganacsi la samaysa IRGC. Waxaan la soconnaa hantida IRGC,” ayuu yiri.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in “aanan wax dulqaad ah u yeelan doonin, isla markaana aan dooneyno inaan dhaqaale ahaan jilbaha dhulka dhigno xukuumaddan.”
Scott Besant ayaa sidoo kale IRGC uga digay: “Waxaan ognahay shirkadaha ama hay’adaha ku yaalla Jasiiradaha British Virgin Islands ee ay ku jiraan akoonnadiinnu. Waxaan ognahay guryaha qiimahoodu yahay 100 milyan oo doollar ee aad dunida dacalladeeda ku leedihiin, waxaana damacsannahay inaan xannibno hantidaas.”
