Xafiiska Somaliland ee Kenya ayaa qaabilay Soona dhaweeyey Gideon Behar, oo ah Safiirka Israa*iil u fadhiya Kenya oo booqasho xushmad ah ku Tagay.
War kasoo baxay Saraafada ayaa waxa sida oo kale lagu sheegay in Safiir Behar kulan la yeeshay Mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Ku-xigeenka Safiirka, Sharmake Geelle, waxaana ay yeesheen wada-hadal iyo is-dhaafsi aragtiyo ku saabsan arrimo ay labada dhinac dan wadaag ka leeyihiin, iyo muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-hadalka iyo iskaashiga.
Ugu damnayna waxa uu Xafiiska Somaliland sheegay inuu qiime weyn siinayaa kulamadan, iyadq oo la sii xoojinayo xiriirrada iyo isfahamka lala leeyahay bah-wadaagta Somaliland ee Kenya iyo meelo ka baxsan, ayaa lagu sheegay warkan oo lagu baahiyey bogooda Facebook.



