Madaxweynaha Imaaraadka Carabta,Maxamed bin Zayed ayaa warqad uu gacantiisa ku qoray u diray Boqorka Sacuudiga, Boqor Salmaan oo 90 jir ah. Diblomaasiyiin Mareykan iyo Carab ah ayaa u arka tallaabadan isku day uu Imaaraadku ku doonayo inuu si toos ah ula xiriiro boqorka, isaga oo ka tallaabaya Dhaxal-sugaha Sacuudiga,Maxamed bin Salmaan,sida uu weriyey Middle East Eye.
Warbaahinta Sacuudiga waxay sheegtay in warqaddu ku saabsanayd xiriirka labada dal, halka wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ay sheegtay inay ahayd martiqaad gaar ah oo Boqor Salmaan loogu dirayay Abu Dhabi si uu uga qaybgalo shir Qaramada Midoobay oo ku saabsan biyaha bisha December.
Dadka arrimaha Khaliijka la socda ayaa sheegay in tallaabadani muujinayso sida ay u kala fogaanayaan Maxamed bin Salmaan iyo Maxamed bin Zayed.
Sarkaalkii reer Galbeedka ahaa ee la hadlay Middle East Eye ayaa yiri: “Imaaraadku wuxuu dareemayaa inaysan haysan wax doorasho ah oo aan ahayn inay si toos ah ugu tagaan meesha ugu sarreysa,” isagoo intaas ku daray in MBS uusan ku farxi doonin habkan.
Xiisadda Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa sii xoogeysatay bilowgii sannadkan, kaddib markii Sacuudigu duqeeyay xulafada Imaaraadka ee Yemen, iyadoo labada dal ay sidoo kale taageerayaan dhinacyo iska soo horjeeda oo ku dagaallamaya Suudaan.
Maraykanka ayaa isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo labada dhinac. Booqasho uu sarkaal sare oo Mareykan ah ku tagi lahaa Imaaraadka ayaa baaqatay, halka safar uu Steve Witkoff, ergayga gaarka ah ee Donald Trump, ku tagi lahaa dalkaas horraantii bishan sidoo kale la baajiyay.
