Wararkii Ugu Dambeeyey Musiibadii ka Dhacday Nepal (Sawirro)

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ku dhowaad 500 ayaa ku dhintay

Dowladda Nepal ayaa soo saartay liiska dadka ajaanibta ah ee weli la la’yahay kadib fatahaado ba’an oo dalka ku dhuftay, iyadoo ku dhowaad 500 oo qof la xaqiijiyay inay dhinteen.

Liiska ay dowladdu soo saartay waxaa ku qoran magacyada, taariikhaha dhalashada iyo jinsiyadaha 537 qof oo ajaanib ah oo aan wax xiriir ah lala sameyn tan iyo markii ay fatahaaduhu dhaceen.

Tirada ugu badan ee dadka la la’yahay waa muwaadiniinta Hindiya, oo gaaraya 178 qof. Liiska waxaa sidoo kale ku jira 65 Mareykan ah, 53 Ukraine u dhashay, 51 Malaysiyaan ah, 33 Australian ah iyo 33 British ah.

Fatahaado degdeg ah iyo dhul-go’ ayaa sababay burbur baahsan oo ka dhacay Nepal, iyagoo qaaday waddooyin iyo buundooyin badan, taas oo adkaysay hawlgallada gurmadka iyo samatabbixinta.

Maamulka Nepal ayaa weli wada baaritaanka dadka la la’yahay. Ciidanka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa loo adeegsanayaa samatabbixinta dadka ku xanniban meelaha ay musiibadu saameysay.

Xogta rasmiga ah ee Nepal waxay sheegaysaa in tirada ajaanibta weli la la’yahay ay isbeddelayso iyadoo hawlgallada raadinta iyo xaqiijintu socdaan.

Booliiska dalka Nepal ayaa sheegay in ilaa 09:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee Jimcaha maanta ah, in 475 qof ay ku dhinteen daadadkii dhobata watay ee Arbacadi ku dhuftay degmada Rasuwa ee dalkaas.

In ka badan 550 qof ayaa la la’ayahay, kadib 48 saacadood o ay daadadkaas ku dhufteen dalka, tiradaas oo la filayo inay intaas ka sii badato.

Cabsi kale ayaa jirta oo adda waxay ka cabsi qabaan in, kadib saacado badan oo roob culus ah, harada ka samaysantay burburka dhexdiisa ay qararka jabsato, taasina ay maalmaha soo socda ay sababto dhimasho hor leh.