Turkiga ayaa xoojinaya awooddiisa millateri ee Geeska Afrika, isaga oo laba markab oo kuwa ciidamada badda ah, TCG Kemalreis & TCG Yzb. Güngör Durmuş u diray gobolka.
Maraakiibtan ayaa ugu horeyn tegeya Jabbuuti, si ay u taageeraan hawlgallada Ciidanka Badda Soomaalida iyo gaadiidka saadka ee gooshaya Badda-cas, Gacanka-cadan ilaa Badweynta Hindiya.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sida oo kale sheegtay in ay Soomaaliya siinayso taageerada lagama maarmaanka ah ka dib afduubka markabka MV Lutuf, iyada oo iskaashi lala sameynayo DFS.
Tan oo imanaya xilli Puntland ay Turkida ku eedeysey in ay ka danbeysey duqaymo dad lagu diley oo laga geystey xeebta Gobolka Nugaal, halkaas oo lagu haysto lix markab oo kala duwan oo uu ku jiro MV Lutuf oo la sheegey in uu u raran yahay xarunta Turkida ee Muqdisho.
