Ra’iisul wasaare Xamse oo Dhambaal ku Wareejiyay Dhigiisa Qatar.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani kadib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo ay wehliyeen wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan weftiga ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumaraddii la gaaray sanadihii dambe iyo guulaha dhanka amniga iyo xasilloonida ee lagu tallaabsaday.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa si qoto dheer uga wada xaajooday qadiyadaha caalamka ee dhanka amniga, nabadda iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helista arrimaha carqaladda ku ah habsami u socodka Ganacsiga Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Mudane Sheekh Maxamed, ayaa dhankiisa si weyn u boggaadiyay horumarka ay ku talaabsatay Soomaaliya iyo wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan, kuna dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay sidii ay isu barbar taagtay madax-banaanida dhulleed iyo qaranimada Soomaaliya markii lagu soo xad-gudbay Jamhuuriyadda, taasi oo shacabka Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan dowladda iyo shacabka Qatar.

Ugu Dambayn: Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Qatar Mudane Sheekh Maxamed gaarsiiyay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

– DHAMMAAD –