Mooshin Xilka looga Qaadayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya oo Baarlamaanka la Horgeeyay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, iyagoo dalbanaya in xilka laga qaado.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mooshinka uu muddo socday kadib tabashooyin ay xildhibaanadu ka qabeen waxqabadka wasaaradda, balse maanta si rasmi ah loo horgeeyay Golaha Shacabka, lana guddoonsiiyay guddi loo saaray ka shaqeyntiisa.

Xildhibaannada ayaa Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Xoosh, ku eedeeyay gaabis iyo fulin la’aan ku timid howlaha wasaaradda, gaar ahaan wax ka qabashada caqabadaha amni iyo colaadaha beelaha ee ka jira dalka.

Waxay sidoo kale ku dhaliileen wasiirka inuu ka gaabiyay wax ka qabashada colaadaha iyo khilaafaadka beelaha, iyo inuu ku guuldarreystay inuu si ku filan u difaaco nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda federaalka, iyadoo xildhibaannada qaarkood ay walaac ka muujinayaan habka loo maareynayo arrimaha siyaasadda, amniga iyo xiriirka dowlad-goboleedyada.