Tuesday, September 1, 2026

Ciidanka Iran Oo Weerar Jawaab Celin ah ku Qaaday Saldhigyada Maraykanka Uu ku Leeyahay Bariga Dhexe.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay billaabeen weerarro ay u adeegsanayaan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku beegsanayaan saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe.

Iiraan ayaa caawa gantaallo ku garacaysa saldhigyada Mareykanka ku leeyahay dalka Jordan, iyadoo muuqaallo la baahiyay laga arkayay gantaallada Iiraan oo ka gudbaya hawada baadiyaha Daraa ee koonfurta Suuriya.

Weerarkan ay qaaday Iran ayaa jawaab u ah duqeymaha uu caawa Mareykanka ka gaystay gudaha Iiraan, iyagoo sidoo kale sheegay inay caawa soo rideen diyaaradaha nooca aan duuliyaha Mareykanka ee MQ-9 Reaper oo noqonaysa middii 50 aad oo ay Iiraan soo rido , sida ay werisey Al Jazeera.