Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa ka horyimid qorshe la doonayay in magaalada Muqdisho lagu keeno, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in lagu dhammeystiro wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, isla markaana xal waara looga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.
Dadaalladan oo ay garwadeen ka ahayd beesha caalamka ayaa lagu soo warramayaa inay hakad galeen, kaddib markii ay ka biyo diideen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka.
Labada madaxweyne ayaa, sida wararku sheegayaan, diidmadooda ku sababeeyey in heshiiska doorashooyinka uusan lahayn dammaanad rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo, sidaas darteedna aysan diyaar u ahayn inay yimaadaan magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Jubaland iyo Puntland ay ku adkaysanayaan in beesha caalamka ay saxiix rasmi ah ku yeelato heshiiska, isla markaana arrintaasi si cad loogu xuso nuqulka kama dambaysta ah ee heshiiska, si ay door muuqda uga qaadato marxaladda kala-guurka siyaasadeed.
Doorka wakiillada beesha caalamka ayaa haatan ku kooban fududeynta wada-hadallada, kuwaas oo soo maray dhowr wareeg, iyadoo ujeeddadu tahay in xal laga gaaro muranka hareeyey hannaanka guud ee doorashooyinka Soomaaliya.
Dhanka kale, qorshaha Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inuu yahay in aan loo baahnayn dammaanad gaar ah oo heshiiska doorashooyinka lagu lifaaqo, iyadoo dowladda ay dooneyso in wada-hadallada la sii ambaqaado si looga miro dhaliyo dadaalladii muddada dheer socday.
Qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa sidoo kale arrintan aragti ahaan ugu dhow madaxtooyada, hase yeeshee Jubaland iyo Puntland ayaa weli saluugsan qaabka loo diyaarinayo heshiiska iyo dammaanadaha lagu heshiinayo.
Labadan maamul ayaa horey xiriirka ugu jaray Dowladda Federaalka, kaddib markii uu sii xoogaystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay wada-shaqeyntii iyo xiriirkii ka dhexeeyey Kismaayo, Garoowe iyo Muqdisho.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo doodda ugu weyn ay ku saabsan tahay hannaanka doorashooyinka, heshiiska siyaasadeed ee dhinacyada iyo wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka.
