Ugu yaraan 22 qof ayaa dhintay, tiro kalena way dhaawacmeen, kaddib markii dab xooggan uu qabsaday hool ay ka socotay xaflad aroos oo ku yaalla magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. AP ayaa sheegtay in dabku bilaabmay habeenkii Jimcaha, uuna socday ilaa aroornimadii Sabtida.
Musiibadu waxay ka dhacday degmada Lingwala ee waqooyiga caasimadda.
Martidii arooska ayaa isku dayday inay mar qura bannaanka uga baxdo, balse marinnada cidhiidhiga ah iyo albaabka gurmadka oo aan ku filnayn dadka ayaa dhibaatada badiyey. Maamulka deegaanka ayaa sheegay in dadkii dhaawacmay loo kala qaaday isbitaallada Kinshasa.
Sababta dabka weli si rasmi ah looma xaqiijin, inkasta oo cilad koronto ay ka mid tahay waxyaabaha la baarayo. Dowladda Congo ayaa dhacdada kaddib amartay in la baaro goobaha lagu qabto munaasabadaha, lana xidho kuwa aan buuxin shuruudaha badbaadada.

Screenshot


Screenshot


