Pentagon-ka Mareykanka Oo si Adag u Beeniyay In Furitaanka Hormuz Uu Qaadan karo Lix bilood

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Pentagon-ka Mareykanka ayaa si adag u beeniyay warar sheegayay in dib u furista Marinka Hormuz ay qaadan karto ilaa lix bilood.

Afhayeenka Pentagon-ka, Sean Parnell, ayaa sheegay in sheegashadaas ay tahay mid aan sax ahayn oo aan suurtagal ahayn, isla markaana uu ku eedeeyay warbaahinta inay si khaldan u adeegsato xog sir ah.

Wuxuu ku adkeystay in marin-biyoodkaasi uu muhiim u yahay isu socodka caalamiga ah, islamarkaana aan la aqbali karin in muddo dheer la xiro.