Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ka jawaabay hadal uu jeediyay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pat Hegseth, isaga oo sheegay in haddii xarumaha Iran la beegsado, Tehran ay iyaduna weerari doonto bartilmaameedyo Mareykan ah.
Qalibaf oo hadalkiisa ku qoray baraha bulshada ee X Isniintii ayaa yiri:“Haddii xarumaheenna la beegsado, idinkana waa la idin beegsan doonaa si jawaab ah.”
Waxa uu intaas ku daray: “Arrintan horay ayaan u caddeynay. Weydii saldhigyada Mareykanka ee hadda aan la isticmaali karin.”
Hadalkan ayaa yimid laba maalmood kaddib markii Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pat Hegseth uu sheegay in haddii Iran ay weerarto maraakiibta Mareykanka, Washington ay burburin doonto oo ay quusin doonto booyadaha shidaalka Iran.
“Waa inaysan Iran weerarin ciidamada badda Mareykanka,” ayuu yiri Hegseth.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Maraakiibtooda shidaalka Iran aysan lahayn difaac ku filan, isaga oo intaas ku daray in Iran aysan lahayn ciidan badeed ama ciidan cirka oo awood u leh inay iska caabiyaan diyaaradaha, maraakiibta iyo gujisyada Mareykanka.
