Booliska Hindiya Oo Xabsiga Dhigay Haween Muslimiin ah Oo Karsanaya Hilib Lo’da.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Booliska dalka Hindiya ayaa ku xidhey degmada Kaushambi ee gobolka Uttar Pradesh 3 haween oo muslimiin ah kuwaasi oo lagu qabtay iyagoo karsanaya hilib Lo’aad.

Booliska ayaa sheegay iney baadi-goob ugu jiraan raga qaba haweenkaasi oo baxsaday iyo nin kale oo deriskooda ah oo isaguna la karsanayay hilibkaasi, iyagoo sheegay iney goobta ka heleen hilib ceydhin iyo mid karsan oo dhamaantood loo qaaday saldhiga isla markaana la baadhayo halka laga keenay.

Gobollo badan oo ka mid ah dalka Hindiya waxay leeyihiin sharciyo mamnuucaya ama si adag u xaddidaya gawraca lo’da iyo iibinta hilibkeeda, iyadoo dadka haysta diinta Hinduism oo dalkaasi ku badan ay iyaguna u arkaan lo’da xoolo barakaysan oo aan la cuni karin hilibkeeda.