Wasiirka A.Dibada Iran Oo Gaaray Ciraaq ka Hadlay Xiisadaha ka Taagan Bariga Dhexe

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji oo booqasho ku tagay dalka Ciraaq, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Cali Fateh Zaidi, waxayna yeesheen wada-hadallo.

Intii uu kulanku socday, Caraqji ayaa sharraxay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka. Wuxuu ugu baaqay dalalka gobolka inay ka hortagaan in dhulkooda loo adeegsado weerarro lagu qaado Iiraan, isagoo sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga iyo horumarinta xiriirka u dhexeeya Iiraan iyo Ciraaq dhinacyo kala duwan.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa soo dhaweeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha gobolka, wuxuuna yiri:

“Ciraaq waxay taageersan tahay in mudnaanta la siiyo soo afjaridda dagaallada iyo in wadahadal lagu gaaro xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz uu weli si buuxda ugu jiro gacanta Iran, isagoo xusay in xaaladdaasi ay sii jiri doonto 30-ka maalmood ee soo socda.

Wuxuu sidoo kale uga digay Mareykanka in weerar kasta oo cusub oo lagu qaado Iran uu sii hurin doono xiisadda gobolka, islamarkaana uu halis gelin doono amniga iyo isu socodka maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga shidaalka adduunka