Monday, September 7, 2026

Ciidanka Badda Iran: Oo War Adag ka soo Saaray Marin-biyoodka Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sarkaalka ku xigeenka siyaasadda ee Ciidanka Badda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in dekedda Khasab ee Cumaan ay tahay xadka badbaadada ee marin-biyoodka Hormuz.

Khasab waa magaalada ku taalla cirifka waqooyi dalka Cumaan ee ku taalla marin-biyoodka Hormuz.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Cali Maxammadi uu yiri: “In maraakiibta ay si ammaan ah uga gudbaan marinka ay Mareykanku maamulaan ee koonfurta marin-biyoodka Hormuz, dhab ahaantii waa wax aan suurtagal ahayn.”

Waxa uu intaas ku daray in markab kasta oo gala marinkaas aanu mar dambe ka badbaadi doonin khatarta in la beegsado marka uu gaaro aagga Khasab ee Cumaan.

Wararka ku saabsan markab lagu weeraray meel u dhow Khasab ayaa soo baxay bilowgii dagaalka 40-ka maalmood ah, waxaana weerarrada noocan ah ay kordheen 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambeysa weerarrada, mana jirto dhinac si rasmi ah u sheegtay mas’uuliyadda.

Sarkaalka ku xigeenka taliyaha Ciidanka Badda IRGC ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan maraakiibta inay dhinaca Iran uga gudbaan marin-biyoodka Hormuz.

Sarkaalka ayaa hanjabaad u muuqata ku sheegay in Ciidanka Badda ee ilaalada kacaanka Iran ay si buuxda ula socon doonaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta ku sugan Gacanka Faaris, marin-biyoodka Hormuz iyo Gacanka Cumaan, iyaga oo adeegsanaya awoodaha sirdoon iyo hawlgallo militari, isla markaana si joogto ah ula soconaya dhaqdhaqaaqyada maraakiibta.