Monday, September 7, 2026

Itoobiya Oo ku Dhawaaqday Inay soo Iibsanayso Lix Markab Oo Cusub..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Itoobiya ayaa wadda qorshe ay ku doonayso inay ku kordhiso maraakiibta ganacsiga ee ay leedahay, iyadoo hadda socda habraacyada lagu soo iibsanayo 6 markab oo cusub. Qorshahani waxa uu qayb ka yahay dadaalka ay Itoobiya ku xoojinayso awooddeeda dhinaca gaadiidka badda iyo dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha.

Shirkadda Ethiopian Shipping and Logistics (ESL) ayaa qorshaynaysa in maraakiibta cusub ay yeelan doonaan awood xamuul oo ka weyn kuwa hadda ay leedahay. Itoobiya waxay hadda leedahay 10 markab, halka qorshaha shanta sanno ee soo socdaa uu yahay in tirada guud laga dhigo 26 Markab.

Dowladda Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay in qorshaha ballaadhan ee 16-ka Markab uu ku kacayo in ka badan 83.1 bilyan oo birr.