Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, Ed Miliband ayaa maanta sheegay in waxa Netanyahu ay ka waddo Qasa ay noqdeen ceeb ku taalla damiirka dunida ,isagoo intaas ku daray in ay sii kordhayaan caddeymaha muujinaya in dambiyo dagaal la geystay.
Wuxuu intaa ku daray; “Ma noqon doono kuwo iska daawanaya waxa dhacaya,”
Wuxuu sidoo kale sheegay in qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ay Falastiiniyiintu wajahaan waxa uu ku tilmaamay barakicin qasab ah iyo nadiifin qowmiyadeed, oo ay geystaan kooxo ka tirsan dadka deggan deegaannada Israa’iil laga dhisay.
Hadalladan ayaa yimid xilli Laba iyo toban dal oo kala ah Ingiriiska,Faransiiskan Denmark, Spain, Finland, Canada, Ireland, Iceland, Norway, Poland, Portugal iyo Sweden ayaa maanta ku dhawaaqeen cunaqabateyn ganacsi oo ay saareen Israa’iil, gaar ahaan badeecadaha laga keenayo dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iiliyiintu xoog ku qabsadeen.
Dalalkan oo u badan Yurub ayaa sida oo kale sheegey in aysan marnaba aqbalayn in Israa|| qaadato dhulka Falastiin ama la bara-bixiyo dadka Falastiin, iyada oo dalal kale oo Yurub ah ay iyana qaadayaan jidkan, sida ay werisey New York Times.
