Saturday, September 12, 2026

D.Federaalka oo u Jawaabtay Mucaaridka Sheegey in Dalku Xaaladii Afgaanistan Qarka u Ssaaran yahay.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala: “Waxaan daawaday hadallo la yaab leh oo mid ka mid ah xubnaha sheegta Mucaaradku uu ku magac dilayo Ciidamada Qaranka, ku inkirayo naf hurnimada ay Dalka ku difaacayaan iyo dhiigga ay u daadinayaan Difaaca Dalka, Dadka iyo diinta, dhinaca kalana uu ugu qareemayo Khawaarijta.

Ninkaasi wuxuu isku dayayaa in uu sawir xun ka bixiyo awoodda Ciidamada Qaranka isaga oo waxba kama jiraan kasoo qaadaya dagaalkii adkaa ee ay dalka uga xoreeyeen Khawaarijta, kuna soo celiyeen Amniga Qaybo badan oo ka mid ah Dalka uguna horayso Caasimadda Muqdisho.

Wuxuu dhinaca kale niyad dhis iyo buunbuunin u samaynayaa Khawaaarijta oo uu u ekaysiiinayo in ay leeyihiin awood ay talada Dalka kula wareegaan, isaga oo aan marna xusin in Ciidamada Qaranku iyaga oo aanay cidina wehlin ka xoreeyeen Khawaarijta Kumanaan Kiilo mitir sidoo kalana ku jabiyeen Khawaarijta Tobanaan weerar oo ay sida ugu saraysa awoodooda usoo abaabuleen balse ku guul daraysteen.

Ma ahan markii ugu horaysay oo aan arkayno Hadalada nuucaan ah ee sida tooska ah ay ugu gefayaan Ciiidamada Qaranka dhanka kalana ay buunbuunin iyo niyad dhis ugu samaynayaan Khawaarijta.

Hadaba, waxaa igusoo dhacday dhawr su’aalood oo arinkaan la xiriirta.

1- maxeey ragaani ku jecelyihiin in Dalka ay Khawaarij qabsato, maxeeyse ka faaiidayaan iyagu ?

2- haddiiba sida ay u ololaynayaan alle kama dhigee ay noqoto aaway xukunkii ay raadinayeen mise Khawaarijta ayay shirku kula yihiin ?

3- maxaa u sabab ah in ay beegsadaan Maalin kasta Ciidamada Qaranka oo ah tiirka ugu wayn ee Dawladnimadu ku taagantahay?

4- marka ay hadlayaan ma xusuusanyihiin in fariintooda xaqiraadda ah ay ku dhacayso dhagaha iyo indhaha Askariga ku hoyanaya furinta, waalidka, Walaalka iyo ubadka ku waayay ehelkooda oo askarta ka tirsanaa difaaca Dalka ?

Ugu danbayn, waxaan labo fariin u dirayaa Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed, Ciidamada waxaan leeyahay ku raali ahaada in ay garabkiina taaganyihiin duco iyo ammaanna idiinla garab joogaan Malaayiin Soomaaliyeed oo ka sharaf badan kuwa idin xaqiraya.

Shacabka Soomaaliyeed, waxaan leeyahay ku kalsoonaada in aad haystaan Ciidamo Qaran oo ku filan gudashada xilkooda sababna u ah alle ka sakoow Nabadda aad haysataan, sidaas si la mid ah, waxaad haystaaan Madax Qaran oo mas’uul ah una taagan in aanay marna rumoobin riyooyinka xun ee kuwa qarandiidnimada iyo Khawaarij jacaylkq kulansaday.”