Sunday, November 15, 2026

Nairobi:-Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay Dhisme Darbi ka Socday Oo kusoo Dumay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Saddex qof ayaa dhintay, 11 kalena way dhaawacmeen kaddib markii darbi dhisme ka socday xaafadda Riverside Drive ee magaalada Nairobi uu dumay, shaqaalihii goobtana ay ku hoos aasmeen burburka.

Shilku wuxuu ka dhacay Sabtida maanta, , meel u dhow Grand Residence iyo Riverside Winchester Gardens. Sida ay baahisay Citizen Digital, 33 shaqaale ah ayaa ku sugnaa agagaarka goobta markii darbigu dumay.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in 22 shaqaale ah la soo badbaadiyay, halka 11-ka dhaawacmay loola cararay isbitaallo kala duwan oo ku yaalla Nairobi.

Kooxaha gurmadka iyo saraakiisha amniga ayaa goobta gaaray si ay u baaraan una soo badbaadiyaan dadkii ku hoos jiray burburka. Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay inay goobta u dirtay kooxaha gurmadka degdegga ah iyo laba ka mid ah gawaarida gurmadka degdeg ah.

Dhacdadan ayaa timid maalin kaddib markii dhisme siddeed dabaq ah oo ka socday deegaanka Syokimau, una dhow xarunta tareenka SGR ee Nairobi, uu dumay Jimcihii, 13-kii Nofeembar. Lix qof ayaa ku dhintay shilkaas, shan kalena isbitaal ayaa la dhigay.

Labadan shil oo dhacay muddo laba maalmood gudahood ah ayaa mar kale dhaliyay su’aalo ku saabsan badqabka goobaha dhismaha, tayada dhismayaasha iyo sida loo dhaqan-geliyo xeerarka dhismaha ee Kenya.

Mas’uuliyiinta ayaa wada baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay dumista darbiga Riverside iyo in la raacay habraacyadii badbaadada.