Saturday, November 14, 2026

Madaxweynaha Ukraine Oo Dalbaday Tiro Diyaaradaha Dagaalka ee F-16

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Ukraine ay u baahan tahay in tirada diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee hawada isku mar ku jira la kordhiyo, isaga oo sabab uga dhigay baahida joogtada ah ee dayactirka diyaaradaha duqoobay.

“Waxaan u baahanahay diyaarado hawada isku mar ku jira oo tiradoodu 2.5 jeer ka badan tahay kuwa aan hadda adeegsanayno. Aragti ahaan, diyaaradahaas way jiraan, balse si joogto ah ayay dayactir ugu jiraan, maadaama F-16-yadu aanay ahayn diyaarado cusub,” ayuu yiri Zelensky.

Waxaa socda wadahadallo ku saabsan sidii Ukraine ay ku heli lahayd diyaarado F-16 oo dheeraad ah.