Tuesday, September 15, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Oo ka Fiirsanaya Sacuudiga Oo ka Dalbaday Taageero Milatari

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Andy Burnham ayaa ka fiirsanaya codsi uga yimid Sacuudiga oo la xiriiraya inuu Sacuudiga ka dalbaday Ingiriiska, taageerro militari oo lagu ilaalinaya ceelasha iyo warshadaha shidaalka oo ay weheliyaan goobaha kale ee istaraatijiga ah,kuwaasoo weerarro joogto ah kala kulma Xuutiyiint,sida ay maanta werisey Bloomberg.

Sacuudiga, sidoo kale wuxuu ka codsaday Ingiriiska taageerro militari oo looga hortagayo is ballaarinta Xuutiyiinta, iyadoo horey Ingiriisku la taliyeyaal militari u diray gudaha Sacuudiga,balse codsigan cusub wuxuu sugaya inuu ansixiyo Burnham.

Warbixinnadii u dambeeyay waxay muujinayaan Sacuudiga inuu diray codsiyo badan oo taageerro ka dhan ah Xuutiyiinta uu ku dalbanayo, xilli Mareykanka uu si cad u sheegay inuusan diyaar u ahayn dagaal ka dhan ah Xuutiga , taa beddelkeedana uu soo jeedinayo wadahadal lala galo Xuutiyiinta.