Tuesday, September 15, 2026

“Jarmalka Ma Aqbali-doono In Xuutiyiinta Cadaadis caalami ah u Adeegsadaan Baab al-Mandab”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul wasaaraha Jarmalka,Friedrich Merz ayaa hadal uu maanta jeediyay wuxuu sheegay Jarmalka inuusan u oggolaan doonin Xuutiyiinta inay cadaadis caalami ah u adeegsadaan marin-biyoodka Baab al-Mandab, isagoo sheegay xaaladan inay mar horaba Jarmalka ku dhalisay inuu wajaho koror ku yimid qiimaha shidaalka.

Hadalkan ka dib, Reuters ayaa maanta baahisay Sacuudiga inuu joojiyay shidaalka cayriin ee loo diri lahaa waddamada Yurub.

Tani waxay ka dhigan tahay in dhibaatooyinka shidaalka Sacuudiga ay hadda saameyn ku yeelan karaan Yurub.

Waxaa suuragal ah inaan maalmaha soo socda aragno tallaabooyin iyo hadallo badan oo ka yimaada dalalka Yurub.

Laakiin, waxa ugu weyn ayaa ah sababta uu Sacuudiga u qaatay go’aanka uu ku joojiyay shidaalka cayriin ee warshadaha Yurub loo diri jiray, inkastoo waddooyinkii la marsiin lahaa ay khatar badan ka jirto oo maraakiibta Sacuudiga ay bartilmaameed u yihiin Xuutiga, hadana waxaa muuqata Sacuudiga inuu xaaladda ka haysata Xuutiyiinta u adeegsanayo cadaadis caalami ah si uu taageerro militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta uga helo reer galbeedka, xilli dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga,Maxamed Bin Salmaan uu ku jiro waqti mashqul ah oo telefoon iyo booqashooyin kula xiriirayo dhinacyo uu ka raadinayo taageerro ka dhan ah Xuutiga.