Wednesday, September 16, 2026

Turkiga Oo ka Fogaanaya in uu Dagaal toos la Galo Xuutiyiinta Yemen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Turkiga ayaa ka fogaanaya in uu dagaal toos la galo Xuutiyiinta Yemen ka dib heshiiska Difaac ee Maka ee ka dhexeeya Sucuudi Careebiya, Turkiga & Pakistan; iyada oo saraakiil Turki ah oo la hadashay Wargeyska Middle East Eye ay xuseen in Ankara oo wajahda Xuutiga ay saameyn weyn ku yeelan karto howllagada Turkiga ee Soomaaliya & Afrika.

Khubaro-amni oo dhowr ah oo ay wareysatay Middle East Eye ayaa sheegay in Ankara aysan rabin isku dhac Xuutiyiinta. Taa beddelkeeda, waxay soo jeediyeen in Turkigu uu isticmaali karo xidhiidhka uu la leeyahay Sacuudi Carabiya iyo Iiraan si uu uga caawiyo dejinta xiisadaha, iyadoo la geynayo qalab milatari si uu Riyadh uga caawiyo inay si fiican isu difaacdo