Wednesday, September 16, 2026

Isku-dhac Dhex maray Maraakiibta Dagaalka Ee Ciidamada Badda Hindiya iyo Pakistan..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa u yeertay ku-simaha madaxa safaaradda Pakistan ee New Delhi, si ay uga gudbiso cabasho adag oo ku saabsan waxa ay ku tilmaantay “dhaqan aan xirfadeysnayn oo aan la aqbali karin” oo ay muujiyeen cutubyo ka tirsan ciidamada badda Pakistan.

Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayaa sheegay in dhacdadu ay keentay isku dhac dhex maray markab ka tirsan ciidamada badda Pakistan iyo mid ka tirsan ciidamada badda Hindiya, xilli ay ku jireen biyaha caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaan weli ka hadlin arrintan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya waxay sheegtay in dhacdadu ka dhacday biyaha caalamiga ah, isla markaana aysan sababin wax khasaare weyn ah.

Hase yeeshee, Hindiya waxay ku adkeysatay in hab-dhaqanka markabka Pakistan uu si toos ah uga hor imaanayay Qodobka 10-aad ee heshiiskii April 1991 ee u dhexeeyay labada dal, kaas oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo ogeysiinta hore ee howlgallada milatari.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ku-simaha madaxa safaaradda Pakistan loo sheegay inuu fariinta gaarsiiyo mas’uuliyiinta ay khuseyso ee Pakistan, si dhammaan cutubyada milatarigu ay u muujiyaan taxaddar iyo masuuliyad, isla markaana ay u hoggaansamaan heshiisyada labada dal gaareen, si looga hortago dhacdooyin noocan oo kale ah mustaqbalka.

Hindiya waxay sidoo kale sheegtay inay ku amartay ku-simaha madaxa safaaraddeeda ee Islamabad inuu cabasho la mid ah tan u gudbiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan.