Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu bilaha soo socda geli doono “marxalad aad uga duwan”.
Vance ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska New York Post ku sheegay inuu ku raacsan yahay hadallada Madaxweyne Donald Trump ee ah in dagaalku uu dhammaan doono doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka kadib.
Isaga oo Isniintii diyaaradda kula hadlayay wariyeyaasha, ayuu sheegay in marka doorashada la gaaro Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay weli “waayi doonto gacan ku haynta marin-biyoodka Hormuz”.
“Ma saadaalin karno mustaqbalka, balse waxaan u maleynayaa in madaxweynuhu sax yahay marka uu leeyahay xaaladdani bilaha soo socda waxay noqon doontaa mid aad uga duwan,” ayuu yiri Vance.
Wuxuu intaas ku daray: “Isagu sidoo kale waa taliyaha guud ee ciidamada, sidaas darteed isaga ayaa go’aamiya goorta colaadaha ay bilaabanayaan iyo goorta ay dhammaanayaan.”
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu fahamsan yahay in shacabka Mareykanka ay bilaabeen inay ka samraan waayaan xaaladda, balse wuxuu sheegay in Mareykanku xilligan uusan wadin hawlgallo weerar ah.
“Waxa hadda dhacaya ayaa ah in Mareykanku uusan ku jirin hawlgallo weerar ah; dhab ahaantii taas ma sameyneyno,” ayuu yiri.
Vance ayaa sidoo kale sheegay in Iran mararka qaar ay rasaas ku furto maraakiibta ganacsiga, inkastoo uu sheegay in weerarradaasi inta badan aysan guuleysan.
Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowr jeer sheegay in dagaalka Iran uu dhammaan doono kadib doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ee bisha November.
