Thursday, September 17, 2026

Sacuudiga Oo Shiinaha ka Dalbaday inuu la Hadlo Iiraan, kuna Cadaadiyo inay Xuutiyiinta Joojiyaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudiga ayaa Shiinaha ka codsaday inuu si gaar ah ula hadlo Iiraan, kuna cadaadiyo inay Xuutiyiinta joojiyaan is ballaarinta ay ka wadaan xeebaha Badda Cas ee Yemen iyo Marinka Bab al-Mandab, ka dib markii Xuutiyiintu la wareegeen aaggaas.

Saddex ilo oo Iiraaniyiin ah ayaa Reuters u sheegay in Shiinuhu farriintaas gaarsiiyay dawladda Iiraan.

Iiraan waxay Shiinaha ugu jawaabtay in gobolka Bariga Dhexe uusan nabad iyo xasillooni heli doonin ilaa marka hore la soo afjaro dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan.

Iiraan waxay isku xirtay si gobolka uu nabad u noqdo in loo baahanyahay Mareykanka inuu joojiyo weerarrada ka dhanka ah Iiraan, si fudud haddii Iiraan ay wajahayso weerar iyo cadaadis , sidoo kale dalalka gobolka ma noqon doonaan kuwo nabad ah, iyadoo doonayso Iiraan inay xaaladan dhacdo Xuutiyiinta ayaa hal dhagax u adeegsaday labo shinbirood;

Muddo dheer Xuutiyiinta waxay ku taamayeen sidii ay ku gaari lahaayeen Bab al-Mandab iyo dhulalka istaraatiji ah ee badda cas illaa gacanka Cadmeed, waxayna hadda guushan u beddeleen xaalad cadaadis ah oo bartilmaameedku yahay Sacuudiga oo hadda loo sheegay si uu xasillooni u helo inuu u tago Mareykanka iyo Israa’iil oo u sheego inay soo afjaraan dagaalka Iiraan