Thursday, September 3, 2026

Dawladda Kongo (DRC) Oo Go’aansatay in Safaaradeeda Israa’iil ka Furato caasimadda Jerusalem.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (DRC), ayaa go’aansatay inay safaaradeeda dalka Israa’iil ka furayo caasimadda Jerusalem.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Saar oo mar dhawayd qoraal soo saaray, ayaa sheegay in kadib kulan dhexmaray Madaxweynaha DRC Mr. Félix Tshisekedi iyo Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu la iskula qaatay in Israa’iil ay safaarad ka furato caasimadda Kinshasa, halka Dalka Koongo uu noqon doono waddanka 11aad ee safaarad ka furtay caasimadda Jerusalem.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo iyo wefti ballaadhan uu hoggaaminayo ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyey safar ku joogay dalka Israa’iil.

Dalalka safaaradaha ka furtay Jerusalem waxa ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maraykanka.