Thursday, September 3, 2026

Netanyahu:-“Xukuumadda Iiraan Way Burburi doonto Mustaqbalka dhow.”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in xukuumadda Iiraan ay burburi doonto mustaqbalka dhow.

Netanyahu oo ka hadlayay munaasabad ay ka qaybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Israa’iil ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay “hadda ku jirto xaalad aad u jilicsan. Waxay ka daciifsan tahay sidii hore, waxayna u dagaallamaysaa sidii ay u badbaadin lahayd jiritaankeeda.”

“Waxaan ku kalsoonahay inaan meesha ka saari karno khatartan mar keliya oo dhammaad ah, isla markaana aan ridno xukuumaddan. Tani waa hawsha ugu muhiimsan ee weli na hor taalla. Waan ku sii dhawaanaynaa, mana aha wax aan suurtagal ahayn, waana wax aan gaari karno,” ayuu yiri.

Netanyahu ayaa sidoo kale ka hadlay bartilmaameedyada weerarrada Iiraan ee dagaalka ay kula jirto Mareykanka, isagoo yiri: “Ma aha wax iska dhacay inaysan na weerarin. Waxay weeraraan qof walba, laakiin nama weeraraan.”

Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay ogtahay “awoodda Israa’iil.”

Hadallada Netanyahu ayaa imanaya xilli ay soo dhowaanayaan doorashooyinka guud ee Israa’iil oo loo qorsheeyay 27-ka Oktoobar, iyadoo qaar ka mid ah sahannada ra’yiga dadweynuhu muujinayaan inuu ka dambeeyo mucaaradkiisa.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa Benjamin Netanyahu ku eedeeya inuu ku guuldarreystay wax ka qabashada Iiraan.