Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Madaxweynaha dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen Rashid al-Alimi oo Khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa waxa uu ka codsaday in Maraykanku uu Yemen ka taageero dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.
Hasayeeshee, Madaxweyne Donald Trump, ayaa ka gaabsaday inuu dawladda Yemen siiyo wax taageero millatari ah oo lagula dagaalamayo Xuutiyiinta, iyadoo uu codsigan oo kale Madaxweynaha Maraykanku hore uga diiday Sucuudiga.
Maraykanka ayaa hore u sheegay in wadahadal u socdo iyaga iyo Xuutiyiinta, halka sidoo kale dhawr jeer Madaxweyne Trump iyo Maraykanku sheegeen in aanay doonayn wax iska hor imaad toos ah oo dhexmara Maraykanka iyo Xuutiyiinta Yemen.
