Dawladda Maraykanka ayaa oggolaatay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigiisu mudaharaad ku qabtaan afaafka hore ee Xarunta Guud ee Qaramada Midoobay.
Mudaharaadka ayaa la filayaa inuu qabsoomo Arbacada, 23-ka Sebtembar, iyadoo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay halkaasi ku muujin doonaan mowqifka Somaliland.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Somaliland uu ku sugan yahay Maraykanka, halkaas oo uu ka wado kulamo iyo hawlo la xidhiidha dadaallada Somaliland ee dhinaca diblomaasiyadda iyo aqoonsiga.
