Vladimir Ugryumov, oo ahaa wadaad ka tirsanaa Kaniisadda Orthodox-ka ee Ruushka muddo 15 sano ah, ayaa kadib cilmi-baaris iyo daraasad dheer uu ku sameeyay diinta Islaamka go’aan ku qaatay inuu Islaamo, isagoo markii dambe qaatay magaca Saciid Maxamed.
Xiisaha uu u qabay Islaamka ayaa la sheegay inuu bilaabmay kadib markii gabar Masiixi ah oo xaafaddiisa ku noolayd ay Islaamka qaadatay, taas oo ku dhalisay inuu barto Qur’aanka iyo diinta Islaamka.
Intii uu daraasadda ku jiray, wuxuu si gaar ah ula dhacay sida Qur’aanku uga hadlayo Nabi Ciise (CS) iyo Maryam (CS), iyo sidoo kale caqiidada Towxiidka iyo rumaynta Ilaah keliya.
Kadib markii uu ka tagay wadaadnimadii oo uu qaatay Islaamka, warbixinnadu waxay sidoo kale sheegayaan inuu damacsanaa inuu cagihiisa ku aado Makka si uu u soo guto Xajka, taas oo muujinaysa muhiimadda safarkiisa cusub ee diimeed.
Alle ha sugo, Inta kale ha garansiiyo diinta xaqa ah.

