Thursday, September 24, 2026

Belgium Oo Baahiyay In Maraykanka Uu Hogaamiyo Trump la Isku Haleyn karin

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska Financial Times , ayaa maanta baahiyay warqad si qarsoodi ah loo dusiyay oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Belgium, taasoo ay ka muuqatay digniin ay wasaaradan ugu sheegayso hay’adaha dawladda Belgium, in Mareykanka uu hoggaamiyo Trump, uusan ahayn Mareykankii hore ee loo arkayay xulufo la isku haleyn karo, taa beddelkeeda waxay warqadan ku baaqaysay in si taxaddar leh loola dhaqmo Mareykanka uu xilligan hoggaamiyo Trump, intaa oo keliya ma aha , xataa waxay warqadan si cad ugu baaqday in dib loo qiimeeyo xiriirka Mareykanka.

Warqadan waxaa la helay xilli ay sare martay mowqifka ka dhanka Mareykanka ee ka soo baxaya dalalka Yurub, kuwaasoo ka digaya siyaasadda Trump oo ay ku sheegeen mid ugu dambeyn dhalin karta kala tagga Yurub iyo Mareykanka oo xiriirka isku jari kara.