Dagaallada ayaa ka socda afar jiho.
1. Jihada xuduudka gobollada Raya iyo Wollo ee deegaannada Amxaarada iyo Tigray
Dagaalkan ayaa ah mid ay ka qayb qaadanayaan dhammaan ciidamada lugta ee militariga Itoobiya iyo kuwa isbahaysiga ee TPLF, wuxuuna dagaalkaas sababay in la joojiyo duulimaadyadii tagi jiray magaalada Lalibela madaama hub waawayn laysku adeeg sanayo.
2. Jihada gobolka Wolkait
Halkaas waxaa ka socda dagaal culus Ilaa saaka, waxaana dagaalka lugta ah barbar socda duqaymaha diyaaradaha oo si weyn u duqeeyay magaalooyinka Sheraro, Adiyabo iyo Ademeyti.
Ilaa hadda dagaalka lugta ah ma jirto dhinac horumar sameeyay, laakiin dhinacyadu waxay kala sheeganayaan inay guulo gaareen. Waxaa jira maxaabiis badan oo ay dhinacyadu kala qabsadeen siday iyagu shegeen.
3. Dagaalka ka socda dhinaca Sokota
Halkaas waxaa ka socda dagaal culus oo ka socda dhul buuraley ah oo gudaha deegaanka Amxaarada laakiin u dhow xuduudka Tigray. Kooxaha isbahaysigu waxay sheegeen inay ku dhow yihiin magaalada Sokota.
Dhinaca kale, ciidamada militariga Itoobiya ee Agaas ku sugan ayaa sheegay inay weerar rogaal-celis ah ku qaadeen kooxaha isbahaysiga, dagaalkuna wali wuu socdaa.
4. Dhinaca gobolka Canfarta
Dagaalku wuxuu ka socdaa jihadii uu shalay dagaalku ka bilowday.
Ciidamada jabhadda Canfarta iyo ciidanka TPLF ayaa shalay qabsaday ilaa dhowr magaalo, balse ciidamada militariga Itoobiya iyo kuwa ka amar qaata Getachew Reda & kuwa deegaanka Canfarta ayaa duqaymo iyo weerarro rogaal-celis ah ku qaaday. Ilaa hadda majirto cid horumar muuqda ka samaysay Agaas maanta.
Kooxaha isbahaysigu waxay gacanta ku hayaan dhowr aag oo u dhow xuduudka Tigray, kuwaas oo ay shalay qabsadeen, balse dagaalku wuu socdaa ilaa hadda.
Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa ilaa maanta duqaymo aan kala joogsi lahayn ka fuliyay gobolka Tigray, ilaa 40 duqaymood ayaa ka dhacay gudaha Tigray maanta oo keliya.
Kooxaha isbahaysigu waxay sheegeen inay horay u sii soconayaan, waqtigii hadalkuna uu dhammaaday ayay dhaheen.
Halka ciidamada militariga Itoobiya ay kusii qulqulayaan jihooyinka hore dagaaladu ka socdaan.
