Monday, September 28, 2026

Iiraan Oo ku Hanjabtay inay Carqaladayn Doonto Duullimaadyada Caalamka u kala Goosha Hadii.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa ku hanjabtay inay carqaladayn doonto duullimaadyada u kala goosha dalalka Galbeedka iyo Bariga adduunka, si ay uga jawaabto cunaqabataynta Mareykanka uu saaray shirkadaha diyaaradaha Iiraan, sida uu baahiyay telefishinka dawladda Iiraan.

Diyaaradaha Yurub waxay hadda ka fogaadaan inay dul maraan Sacuudiga, sabab la xiriirta weerarrada uu Sacuudiga kala kulmayo Xuutiyiinta Yemen,sidaas darteed waxay maraan Masar.

Halka diyaaradaha ka gudbi lahaa hawada Suudaan , ay hadda maraan Itoobiya, maaddama Suudaan uu ka socdo dagaal.

Sidoo kale, diyaaradaha Yurub ma maraan hawada Ruushka, sababtoo ah Ruushku wuxuu Ukraine ka wajahaan duqeymo,sidaas darteed waxay maraan Azerbaijan.

Haddii Iiraan ay carqalad ka abuurto aagga u dhexeeya Ruushka, Azerbaijan, Badda Caspian iyo hawadeeda, waxay dhibaato ku keeni kartaa waddooyinka ay diyaaradaha Yurub u isticmaalaan inay Aasiya ku gaaraan.

Warbixinta telefishinka Iiraan,waxaa kaloo lagu sheegay haddii Iiraan ay ku dhaqaaqdo go’aanka go’doominta hawada inay carqaladayn karto ilaa 2,500 duullimaad maalintii.

Haddii waddooyinkaas la xiro ama ay khatar noqdaan, diyaaradaha xamuulka ee reer Galbeedka waxay ku qasbanaan karaan inay Afrika hoos uga wareegaan si ay Aasiya u gaaraan. Taasi waxay safarka ka dhigi kartaa mid aad u dheer oo shidaal badan ku baxo.

Maadaama qiimaha shidaalka diyaaradaha uu sare u kacay, Iiraan waxay sheegtay in tallaabadan ay keeni karto dhibaato weyn oo ku timaadda duullimaadyada iyo ganacsiga caalamka, taas oo cadaadis ku saari karta Mareykanka inuu dib uga noqdo cunaqabataynta uu saaray duulista Iran.