7
Dawlada Ruushka ayaa ku dhawaaqay inay adeegsanayso hubka-wax-gumaada ee Nukliyeerka, isaga oo u goodiyey dalalka Yurub & UK.
War ay soo saartay Safaaradda Ruushka ee London ayaa lagu sheegtey in haddii xayiraad la saaro gobolka Kaliningrad ama weerar lagu soo qaado ay bixinayaan jawaab kasta oo ay ku jirto adeegsiga Nukliyeer.
Gobolka Kaliningrad waa meel uu Ruushku ka taliyo oo ku taal Badda Baltic una dhaxaysa Poland iyo Lithuania, ka hor Dagaalkii Labaad waxa gobol kani ka tirsanaa Jarmalka.
