Wararka.ka imanaya xeebaha Puntlandbayaa sheegayan in. Markabkii saddexaad ay isga dageen kooxihii burcad-badeedda ahaa ee ku haystay meel u dhow xeebta deegaanka Hulcaanood ee gobolka Karkaar.
Kooxaha burcad-badeedda ayaa galabta ka degay markabka, iyagoo ka cararaya howlgallada ay Ciidamada Badda Puntland ka wadaan xeebaha gobolka Karkaar ayaa lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Puntland.
Kooxda burcad-badeedda ayaa markabka ka dejisay dhammaan shaqaalihii saarnaa, kuwaas oo ay ku wareejiyeen dad shacab ah oo ku nool deegaanka Hulcaanood.
Howlgallada Ciidamada Dowladda Puntland ayaa xaqiijiyey in aanu jirin markab ay kooxaha burcad-badeeddu ku haystaan xeebaha Puntland. Howlgallada ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa amniga badda Puntland
