Dagaallada ka socda Waqooyiga Itoobiya waxay hadda ka socdaan afar jiho, kuwaas oo kala ah:
1. Galbeedka Tigray Aaga Sheraro:
Dagaallo culus ayaa ka socda aagga Sheraro, iyadoo labada dhinac ay halkaas geeyeen kumannaan askari. Ilaa hadda, labada dhinac midkoodna ma samayn horumar muuqda oo dhuleed.
2. Raya Alamata & Keram
Kadib markii ciidamada milatarigu ay qabsadeen aagga Alamata, waxay u jihaysteen dhanka Keram. Saaka ayay gudaha ugaleen magaalada, balse kooxaha isbahaysiga ayaa qaaday weerar rogaal-celin ah, waxaana weli aggaas ka socda dagaallo culus.
3. Wag-Xamra-Abergele
Ciidamada dowladda iyo kooxaha isbahaysiga ayay dagaallo culus ku dhex marayaan degmada Abergele ee gobolka Wag-Xamra. Ilaa hadda si cad looma kala adkaan, iyadoo labada dhinac ay weli ku jiraan dagaal.
4. Waqooyiga Canfarta
Ciidamada isbahaysiga ayaa la sheegay inay inta badan gacanta ku dhigeen Zone 2, iyagoo kusii siqaya degmada Afdera. Maanta waxay sheegeen inay qabsadeen magaalada Dallol.
Kooxaha isbahaysiga ayaa sidoo kale sheegay inay qorsheynayaan inay la wareegaan waddada weyn ee isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti, balse weli waa xilli hore in la ogaado in qorshahaas uu dhab ahaan hirgeli doono.
Dhanka kale, duqeymo badan oo diyaaradeed ayaa ka dhacay waqooyiga Gobolka Canfarta.
Dagaallada ayaa sidoo kale saameeyay dad ka badan 150,000 oo qof, kuwaas oo ku noolaa deegaannada waqooyiga Canfarta.
