Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu yahay “ qofka keliya ee adduunka oo dhan” ee hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya uu jecel yahay.
Donald Trump ayaa hoos u dhigay walaaca laga qabo barnaamijka muranka badan dhaliyay ee Waqooyiga Kuuriya ee hubka nukliyeerka, isaga oo xusay xiriirka wanaagsan ee uu sheeganayo inuu la leeyahay Kim Jong Un.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa la weydiiyay sababta Iiraan aan loogu oggolaan karin inay samaysato hub nukliyeer ah, iyadoo Waqooyiga Kuuriya haysato hub nukliyeer ah, isla markaana ay sii ballaarinayso kaydkeeda hubka.
Trump ayaa arrintaas uga jawaabay isaga oo tilmaamay xiriirka gaarka ah ee uu la leeyahay Kim Jong Un, wuxuuna sheegay inuu yahay “ qofka keliya ee adduunka oo dhan” ee Kim Jong Un uu jecel yahay inuu Trump yahay.
FG: Trump Hubka Kuuriya Wuxuu ku badashay Jacayl Lkn midka Iran Wuxuu ku badalanayaa Dagaal, marka la soo koobo Kuuriya waa kirishtaan Lkn Iran waa islaaam, Aduunka Qadiyadaha waa muhiim Lkn Islam qiyamkiisa waaa dilay Carabta. Halka Qaarada Africa ay dileen Hogaamiyaasha baahan.
