Wednesday, September 30, 2026

Ruushka Oo Maanta si Cad Ugu Hanjabay Dalalka Yurub Digniina u Diray Nato

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ruushka ayaa maanta markii u horreysay ku hanjabay inuu weerarrayo warshadaha ku yaalla dalalka Yurub ee soo saara hubka ay Ukraine u adeegsato weerarrada Ruushka,haddii aysan wixii maanta ka dambeeya joojin hubka ay siinayaan Ukraine,sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay Al Jazeera oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka

Ruushka ayaa sidoo kale ugu hanjabay inuu Yurub ku weerarri doono hub nukliyeer ah haddii la isku dayo in la go’doomiyo Kaliningrad, taas oo keeni karta dagaal toos ah oo dhex mara Ruushka iyo NATO,sida ay werisay Reuters.

Kaliningrad waa dhul ka tirsan Ruushka, balse aan si toos ah ugu xidhneyn dhulka Ruushka intiisa kale. Waxay ku taallaa xeebta Badda Baltic,waxaana ka xiga dhulka kale ee Ruushka dalal kale.

Kaliningrad waxay xuduud la leedahay Poland iyo Lithuania, oo labaduba xubno ka ah NATO.Sidaas darteed, haddii la xiro waddooyinka dhulka ama marinnada kale ee isku xira Kaliningrad iyo Ruushka, Moscow waxay u arki kartaa arrintaas isku day lagu go’doominaayo dhulkan muhiimka u ah dhinaca militariga iyo istaraatiijiyadda ee Ruushka.