Thursday, October 1, 2026

Itoobiya Iyo Eriteriya Oo Xiriirkii Diblomaasi Isku Jaray.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xidhay safaaradeedii caasimadda Asmara ee dalka Eratariya, kadib markii dalkaasi ku eedaysay inuu si toos ah iyo si dadban u gu lug-leedahay hurinta colaadaha gudaha Itoobiya.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in toban diblomaasi oo reer Eratariya ah lagu amray inay muddo 48 saacadood gudahood ah kaga baxaan Itoobiya. Dawladda Itoobiya waxay sheegtay inay mar walba ka go’an tahay inay nabad iyo xasilooni kula noolaato dalalka Gobolka Geeska Afrika, balse waxay xustay in Eratariya ay daandaansi colaadeed ku hayso Itoobiya

Dhanka kale Eriteriya ayaa ku dhawaaqday in ay jartay dhammaan xidhiidhadii diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyey Itoobiya, ka dib markii galabta Addis Ababa xidhay safaaraddii Eriteriya kuna eedeysey hurinta dagaalka woqooyiga Itoobiya