Thursday, October 1, 2026

Putin Oo Cambaareyn Dusha kaga Tuurey Qaramada Midoobay si Adag-na Uga Hadlay Xasaradaha ka Taagan Aduunka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwayne Putin ayaa dhaleeceen iyo cambaareen dusha kaga tuurey Qaramada midoobay oo wuxuu ku sheegay inay daciiftay isla markaana ay ku fashilantay howsheeda taasoo ahayd xasilinta xasaradaha aduunka.

MD. Putin ayaa yiri “Maanta hadad dhinac walbo eegto aduunka waxaa ka huraya colaado, dagaalo, xiisado”

Isagoo hadalka sii wata ayuu yiri “Waxay ila tahay oo aan xitaa u badinayaa in sanadaha soo socdo ay colaadaha iyo dagaalada dunida ay sii laba jibaarmi doonaan”

YURUB:

Madaxwayne Putin ayaa ka dib hoos ugu soo daadagay xaalada Yurub.

Md. Putin ayaa yiri “Hadii ay dhacdo in dhulka Ruushka taako ka mid ah laysku dayo in lagu soo duulo oo la qabsado in Ruushku ku qasbanaan doono in uu adeegsado agab walbo oo hub ah uu heli karo”

Sheekada markay halkan mareyso waxan ognahay in Bakhaarada Hubka ee Ruushka ay ku jiraan 6000 madaxyo oo hubka Niyukliyeerka ah taasoo hadii 10 xabo kaliya la isticmalo sababi karto mahado badan oo insaanka dunida ku nool mahdin doonin.

Lagama liitee, sidoo kale Mareekanka ayaa tiro in la eg oo madaxyo ah Bakhaaradiisa ugu keedsan yihiin.

Intaan loo talaabin badwaynta Waqooyiga Atlantic ee dalka Mareekanka, xitaa Yurub gudaheeda, dalalka Ingiriiska iyo France waxaa ku yaala bakhaaro ay ka buuxaan madaxyo niyukliyeerka.

AFRICA:

Xaalkeeda ma sahlana, xiisado ayaa ka jirta haba ugu sii darnaato bariga Africa.

Ethiopia iyo Eritrea ayaa isku baxbaxsanaya anagoo hore u ogayn in dagaalo sokeeye ay ladeen dalka deriskooda ah ee Sudan.

BARIGA DHEXE:

ka hadal malahan oo imikaa ilaa gacanka cadmeed ayay mareysaa xiisada.

ASIA:

Shiinaha saan saantiisa ma fiicna oo waxay u badan tahay in uu ku dagi doono Taiwan.

WAA DUNI AAKHIRO ZAMAN.

Rasuulka (scw) ayaana noo sheegay in calaamadaha in saacada qiyaame soo dhawaatay lagu garan doono in dagaalada iyo colaadaha aduunka dhan meel walbo uu gaari doono.